Muqdisho
Ku: Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Og: Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Mudane Ra’iisul Wasaare, annaga oo ah Dhaqdhaqaaqa Somali Gender Equity Movement oo loo soo gaabiyo SGEM, Guddiga Golaha Sare iyo xubnahiisa oo ku dhawaad 8,000 oo haween Soomaaliyeed oo mar kasta u taagan ilaalinta xuquuda haweenka waxaan ka soo horjeednaa, cambaareyneynaa, aadna uga xunnahay jagooyinka haweenka Soomaaliyeed oo markii horeba hooseeyey in qaar badan si xawli ah rag loogu beddelayo.
Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaa nasiib darro ah in Golaha Wasiirada oo ka kooban 75 xubnood ay markii horeba 9 kaliya (12%) haween ahaayeen, maalintii shalayna ay haweenku lumiyeen hal wasiir iyo hal wasiiru dowle oo ay hadda hoos ugu dhaceen 7 (9%). Illaa iyo hadda jagooyinka ay ku fadhiyeen haween Soomaaliyeed oo rag la siiyey waxaa ka mid ah:
- Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka
- Wasiru Dowlaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga
- Taliye ku Xigeenka Ciidamada Booliska
- Xisaabiyaha Guud
- Gudoomiye ku Xigeenka Bangiga Dhexe
- Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
- Agaasimaha Maaliyadda ee Wasaarada Beeraha aheydna sii hayaha Xoghayaha Guud.
Mudane Ra’iisul Wasaare, waxaa kale oo jira in labo haween ah laga hor-istaagay in ay u tartamaan jagooyinka caalamiga ah ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Madaxwaynaha Baarlamaanka Adduunka.
Maadaama aan ogsoon-nahay in bulshadeenna in ka badan 50% ay haween yihiin, hadii la curyaamiyo waxaa hoos u dhacaya horumarka ay Soomaaliya hiigsaneyso. Dalkeennu ma gaari karo horumarka uu tiigsaneyso inta aqoonta, qibrada, kartida iyo fakarka haweenka Soomaaliyeed ka maqan tahay haykalka dawladnimo.
Waxaa soo jeedineynaa talooyinka soo socdo:
- In jagooyinka haweenka laga qaaday loogu beddelo kuwo u dhigma iyo in ka badan si loo helo isku-dheelitirnaasho, cadaalad iyo dowlad loo dhanyahay.
- In 9-ka xildhibaan ee loo magacaabi doono Bulshada Bariga Afrika ay ugu yaraan 4 haween noqdaan
- In Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo ay haweeney gudoomiso ka aheyd la hubiyo in ay haween u tartamaan si ay gudoomiye uga noqoto haweeney tayo iyo karti leh.
- In ugu yaraan 30% haweenku ka noqdaan dhamaan jagooyinka la magacaabo, kuwa la doorto iyo kuwa la soo xulo ee ay ka mid yihiin gudiyada madaxa banaan wixii hadda ka dambeeya.
Waxaan ku boorineynaa dhamaan madaxda hay’adaha dawliga ah in ay dhowraan heshiiska qoondada haweenka ee ugu yaraan 30% ee metelaadda siyaasadda iyo haykallada dowladda ee haweenka.
Waxaan idin ka sugaynaa jawaab deg-deg ah indinka oo tixgelinaya codsigayaga
Wada jirku ha guuleysto.
###