Baaq Cambaareyn Kursi Xil Xildhibaan Haween ah oo La Siiyey Nin

 

 

 

Muqdisho

Ku: Gudoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

Og: Gudoonka Aqalka Saree ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

Mudanayaal iyo Mudan, Somali Gender Equity Movement (SGEM) waa hey’ad u oleleysa haweenka Soomaaliyeed in ay helaan xuquuqdooda iyo metelaad siyaasadeed oo u qalanta, mid bulsho, iyo dhaqan- dhaqaale. Waxaa kale oo ay ka shaqeysa baraarujinta iyo wacyigelinta nabadda, amniga iyo dhab-u-heshiinta ummadda Soomaaliyeed iyo sidii ay haweenku uga qaadan lahaayeen doorkooda. Innaga oo ah Guddiga Sare iyo xubnaha SGEM oo ka kooban ku dhawaad 8,000 oo ah haween Soomaaliyeed oo mar kasta u taagan ilaalinta xuquuda haweenka, waxaan cambaareyneynaa, ka soo horjeednaa, aadna uga xunnahay kursigii Xildhibaanad Sahra Colaad ay iska casishay in la siiyo nin.

Mudanayaal iyo Mudan, haweenka xildhibaanada labada aqal waxay ku fadhiyaan qoondada haweenka ee ugu yaraan 30% oo ku jirtay dhamaan xeerarkii heshiiyada doorashooyinka ilaa 2012 oo baarlamaanku ansixiyey. Inkastoo aan wali la gaarin hiigsiga qoondada haweenka ee ugu yaraan 30%, hadana waxaa laga soo maray dadaal fara badan oo ay ku bixiyeen haweenka Soomaaliyeed iyo bulshada rayidka guud ahaan.

Mudanayaal iyo Marwo, waxaa su’aalo waaweyn ka taagan yihiin hab sharciyeedka loo maray  iyo deg-dega loo buuxiyey kurigii ay iska casishay mudan Sahra Colaad. Sharciyan, marka kursi  xildhibaan federaal la buuxinayo, Golaha Shacbka ayaa xeer ka soo saara oo magacaaba guddi ka soo shaqeeyo buuxinta kursiga. Markii hore waxaa loo idman jiray Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaran ee la kala diray. Sidaas daraadeed, kursi uusan doorashadiisa qaban guddi sharci ku taagan sidee Madaxweynaha Galmudug u oggolaaday, sideese baarlamaanku u dhaariyey? Tan labaad, iyada oo ay bannaan yihiin ilaa iyo 5 kursi oo Golaha Shacabka ah, maxaa kii ugu dambeeyey si deg deg ah loogu qabtay doorashadiisa dowlad-goboleedka Gamudug?

Mudanyaal iyo Mudan, waxaan kale oo aan walwal ka qabnaa kuraasta haweenka xildhibaanada oo sii yaraanayo maadaama tirada xildhibaanada haweenka Golaha Shacabka ahaayeen Baarlammankii 10-aad 67 (24%) laakiin ay hoos u dhacday Baarlamaanka 11-aad oo ay waqtigan xaadirka ah yihiin 52 (19%), iyo hal kursi oo aan wali la buuxin kadib markii ay geeriyootay xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye (Allah naxariistii Janno ha siiyee) bishii Diseembar 2023 oo aan walwal ka qabnaa sida jagadeedii wasiirnimo nin loogu beddelay in kursigeedii xildhibaannimadana nin la siiyo.

Mudanayaal iyo Mudan, maadaama Baarlamaanku yahay hay’adda sharci-dejinta dalka, waxaan idinku boorineynaa in la dhowro oo aan lagu takrifalin qoondada haweenka ee ugu yaraan 30% oo kuri baarlamaanka ee haweeney ku fadhiday uu banaanada in lagu beddelo haweeney jifadeeda ah. Haweenka Soomaaliyeed oo ah bulshada barkeed (50%), waa in la dhowro metelaaddooda siyaasadeed.

Wada jirku ha guuleysto.

 

Share This Post

More To Explore