Anagoo ah Kacdoonka Somali Gender Equity Movement oo loo soo gaabiyo SGEM, Guddigiisa, xubnahiisa oo ku dhaw ilaa 8,000 oo haween ah oo ay ka mid yihiin hogaamiyayaasha haweenka Soomaaliyeed iyo haweenka bulshada qaybaheeda kala duwan:
• Waxaan aad uga xunnahay in qoondada haweenka aan mar kale la buuxin bartilmaameedka ugu yaraan 30%, oo xitaa ay ka hooseyso heerkii 2016 ee Haweenka Golaha Shacabka oo ahaa 24% haddana mareyso 20%.
• Hoos u dhaca matalaadda haweenku waa nasiib darro. Waxaa iyaduna aad u foolxun in haweenka Soomaaliyeed loo isticmaalay “Malxiis” ayadoo la og yahay in aan kursiga la siineyn, si ragga kuraasta loo xiray looga dhimo lacagta laga rabo diiwaangelinta
doorashada.
• Fashilka qoondada haweenka waxaa mas’uul ka ah madaxda Soomaalida oo ay ugu horreeyaan Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Guddiyada Doorashada.
• Waxaan ku talineynaa in Gudiga Doorashada Heer Federaal ay laalaan/joojiyaan kuraasta beelaha leh 3 kuris ama ka badan oo aysan kuraastooda ku jirin haween maadaama ay ku xadgudbeen Heshiikii 17 ka Sebtember 2020 iyo habraacyadii iyo baaqyadii ka dambeeyey ee xaqiinjinta qoondada haweenka.